Xamar wayne oo ku guulaysatay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir+Sawirro
Degmooyinka Xamar wayne iyo Waaberi ayaa isaga hor yimid ciyaartii kama dambaysta tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir , taaso ka dhacaday garoonka Banaadir (Ex koonis)
Daawashada ciyaartan waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ah duqa magaalada Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, wasiir ku-xigeenka DHalinyarada iyo Isboortiga Cismaan Maxamed Cabdi, guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Cali saciid Guuleed Rooble, maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyayaasha degmooyinka .
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa hoggaanka la wareegay degmada Xamarwayne ,iyadoo qaybtii hore lagu kala nastay 1-0, markii la isugu soo laabtay Waaberi ayaa dhowr jeer ku dhowaatay in ay bar baro keento, basle uma suura gelin, waxaana geba-gabadi ciyaarta laga dhaliyay gool labaad, taasoo afjartay rajadii Waaberi,
Ciyaarta ayaa ku soo geba-gabowday 2-0 oo ay guusha ku raacday degmda Xamarwayne oo sidaa ku noqotay Horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Xasam Maxamed Xuseen (Mungaab) oo saxaafadda garoonka kula hadlayay ayaa sheegay in ujeedada tartankan ee maamulku ka leeyahay ay tahay sidii ay isu dhex geli lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolkan Banaadir, guddoomiyaha gobolka ayaa dhanka kale u mahad celiyay dhamaan qaybihii ka soo shaqeeyay qabsoomida tartanka ,
Guddoomiyaha gobolka Mungaab ayaa xusay in gobolka Banaadir uu u howl geli doono sidii loo marti gelin lahaa ciyaaraha gobolada dalka,
Wasiir ku-xigeenka DHalinyarada iyo Isboortiga Cismaan Maxamed Cabdi oo ka hadlay gebo gabada tartanka ciyaaraha degmooyinlka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay soo dhowaynayaan tartamada noocan oo kale ah, kuwaa oo bulshada u jihaynaya dhanka nabadda iyo is dhex galka , wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaarda ay qayb wayn ka qadan doonto horumarinta DHalinyarda soomaaliyeed.
wasiirka ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in wasaaraddu uu qorshaha ugu jiro sidii ay isugu keeni lahayd gobolada dalka oo ay u ciyaari lahaayeen ciyaaraha gobolada dalka.
Waxaa abaal marino la siiyay ciyaartoydii bandhiga wanaagsan ku lahaa tartanka. Laacibka tartanka waxaa loo aqoonsaday Ayuub Yaxye Xaaji oo nambarka 7 u sitay Kaaraan. DHaliyaha tartanka waxaa ku guulaystay Cabdi wahaab Muuse Cismaan oo degmada Heliwa u sitay 10 ,wuxuuna dhaliyay 7 gool saddex kulan oo uu saftay.
DHanka kale maamulka gobolka Banaadir ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay idaacada Goob Joog doorkii wacnaa ee ay ka qaadatay tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka banaadir dartiis.
Ugu dambayn waxaa koob aad u qurux badan la guddoonsiiyay degmada Xamar wayne.
sidaana ay ku noqotay degmada hoggaanka u haysa kubadda cagta gobolka Banaadir.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7 @gmail.com