Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa tagay deegaano hoosyimaada degmada Ceel-buur oo la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha maamulka degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ku tageen deegaanadaasi ayaa sheegay in uusan dagaal ka dhicin deegaanadaasi miyiga ah.
Waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay ka war heleen in dhulkaasi ay baneeyeen xarakada Al-Shabaab kadib markii sida uu sheegay ay ciidamadu ku dhawaadeen deegaanada ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.



From the comments