Maxaa looga hadlay Kulanka Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Wakiillada Beesha Caalamka ?

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Soomaaliya oo maalmahan dhaqdhaaqyo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ka howlgala dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo hannaan siyaasadeed oo mideysan.
Kulanka maanta ayaa daba socday shirweynihii dhawaan ay Madasha mucaaradka Soomaaliya ku qabatay caasimadda, kaasi oo ay qeybaha kala duwan ee bulshada la yeesheen talo-wadaag qaran, islamarkaana kasoo saareen war-murtiyeed xambaarsan aragti guud oo ku aaddan xalka siyaasadeed ee dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay sidii dalka loogu hirgelin lahaa doorasho hufan, xor iyo xalaal ah, oo lagu wada heshiisan yahay, una dhacda waqtigeeda.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga fogaado qalalaaso siyaasadeed iyo jahwareer sharciyeed.
Kulankan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaaraya wada-shaqeyn dhexmarta mucaaradka iyo beesha caalamka, si loo helo xal waara oo ku saleysan wadatashi, wadajir iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.