U bood dhigaalka

Waddo muhiim ah oo Webi Caasimadda ku dhex yaal isku badashay

Sheeko:Dalka

Inta lagu jiro xilli roobaadyada waxaa biyo dageenno maristoodu ay adag tahay isku badeli qaar kamida waddooyinka ku yaalla faras magaalaha caasimadda dalka ee muqdisho, waxaana ka dhasha caqabado ka dhan isku socadka dad iyo gaadiidka.

Jidadkaas oo ilaa 7 gaaraya waxaa ugu daran waddada daalo ee isku xirta isgoysyada Baar Ubax iyo Balaagsii, waxayna kuwa kale uga duwantahay in biyaha roobku ay muddo bilo ah fadhiyaan, islamarkaana bulshadu caafimaad darro iyo cariiri kala kulanto, caasimaddana ay bilic xumo ku noqato.

Wadadan dhowr jeer ayaa  dowlad iyo shacabba laysku dayay in la hagaajiyo, balse waxba iskama badelin biyaha wasakhaysan ee fadhiyaahina waa kuwo bulshada halis ku ah iyo caasimaddana bilic xumo u horseeday.