
Wafdi uu hogaaminayo ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo.
Wariye ka tirsan GoobjoogFM ayaa soo sheegay in masuulku ay soo dhoweeyeen xubno ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyada oo lagu wado in kulamo gaar ah la yeesho hogaamiyaha maaulka ku-meel gaarka Jubba Axmed Maxamed (Axmed Madoobe).
Ma aysan ahayn booqasho horay looga war qabay laakiin waxa ay u muuqataa in ay jirto wada hadal dhax maraya Nicholas Kay iyo maamulka KMG Jubba.



From the comments