U bood dhigaalka

Wasaaradda Shaqada: Macquul ma ahan in dhalinyarada dhan la shaqaaleysiiyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in suurta gal aysan ahayn in dowladda ay shaqaaleysiiso inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradaasi Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaa xusay in dhibaatada shaqo la’aanta sal ay u tahay deganaansho la’aanta dalka ka jirta.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in uu aad u yar yahay qarashka soo gala hase ahaatee maalin ay dhici doonto in ay qaataan shaqaale tiro badan.

Xukuumadda ayaa kol hore sheegtay in aysan ogolaan doonin in shaqaale ajaanib ah ay qabtaan shaqooyin ay u baahanyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dadka ku nool gudaha Muqdisho ayaa tilmaama in hay’adaha qaar ay ka howl galaan ajaanib kala duwan oo ka yimid daafaha caalamka xilli ay baagamuundo yihiin muwaadiniin wax ku bartay gudaha dalka.

Qaar ka tirsan ardayda dhameystay waxbarashada ayaa ku andacooda in shaqo la’aan awgeed ay uga tagaan dalka iyaga oo naftooda ku biimeeya goobo halis ah oo ay ugu darantahay tahriibka.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kasta ku celceliya in ay shqo abuur u sameyn doonaan muwaadiniinta.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka: