War goor dhow naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in heshiis ay si wada jir ah u saxiixeen ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka…
War goor dhow naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in heshiis ay si wada jir ah u saxiixeen ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale saxiixay ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo u qaabilsanaha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay oo goob joog ka ahaa.
Heshiiska ayaa ka kooban dhowr iyo toban qodob waxaana qodobada lagu heshiiyay oo aan helnay ka mid ah:
2-In Puntland ay u madax bannaantahay heshiisyada ay galeyso iyada oo la raacayo heshiiskii hore u dhex maray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole
3-In la aqoonsado shahaadooyinka dugsiyada sare ee maamulka Puntland
Waxaa kaloo la isla gartay in doodii la xiriirtay dasturka Federaalka loo xil saaray baarlamaanka Federaalka iyo kan maamulka Puntland.
From the comments