Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Yuusuf Maxamed Hilaal oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka arimaha Bulshada ee degmada Howlwadaag.
Rag hubsan oo watay gaari ayaa la sheegay in ay isku hor gudbeyn gaarigii yaraa gaarigii uu saarnaa rasaas xooganna lagu furay, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay darwalkii gaariga gudoomiye ku xigeenka uu saarnaa.
Cali Seeko oo ah afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ayaa Goobjoog Fm u xaqiijiyay geerida mas’uulkaan.



From the comments