War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalka Jabuuti ayaa lagu sheegey in dowladda ay heshiis la gaartay xisbiga mucaaradka ee dalkaa USN kadib wadahadalo socdey muddo 18 bilood ah.
Heshiiska ayaa waxa kala saxiixday Ra’isulwasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil iyo hogaamiyaha xisbiga USN Axmed Yuusuf, wuxuuna heshiiska ku saabsanyahay isbadalo dimoqoraadiyadeed oo dalkaasi laga sameeyo.
Heshiiskani ayaa waxa uu horseedayaa in xisbiga USN ay baarlamaanka kusoo ceshadaan illaa 8 xubnood oo xildhibaano ah kuwaasi oo cabasho darteed oga maqnaa fadhiyada baarlamaanka tan iyo markii ay dhacday doorashada sanadkii 2013-kii, taasi oo ay xisbiga ku eedeeyey xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu ku shubtey codadka.



From the comments