Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa taleefoon usoo direy Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid isaga oo ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay.
Ban ayaa Cumar kala hadlay in madaxda Soomaalida ay si dhow u wada shaqeeyaan, islamarkaasina la dardar galiyo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada.
Waxa kale oo uu kala hadlay qabyo tirista dastuurka oo ay hawshiisa socoto.



From the comments