Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in degdeg uu wax uga qabto amniga deegaanada maamulkaasi ka arimiyo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal amniga kasoo hor jeeda.
Xildhibaanadaan qaarkood oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligaan aan indhaha laga qarsan karin amniga halka uu marayo, sidaa darteedna waxay tilmaameen in Madaxweyne Gaas looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe cusub oo dhanka amniga ku saabsan.
Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay Meydka Marxuum Xildhibaan Saciid Nuur Dirir, oo habeenkii xalay ahaa koox hubeysan ay ku dileen magaaladaasi.




From the comments