Kulankii 29-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa maanta lagu furay warbixin laga dhageytay guddoomiyaha guddiga Arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Dufle, ayadoo warbixintaasina ay ka hadleysay waci gelinta Waxyeelada cudurka cagaarshowga.
Warbixintaasi kaddib waxaa Xildhibaannadu gudageleen ka doodista sharciga Isgaarsiinta Qaranka kadib markii guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka ay Xildhibaannada usoo celiyeen warbixintooda la xiriirta wax ka bedelkii iyo tallooyinkii lagu soo kordhiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, waxaana Mudaneyaasha Baarlamaanku si wadajir ah uga mahad celiyeen guddiga Warfaafinta shaqada adag ee ay soo qabteen waxaana dhinaca kale ay soo jeediyeen tallooyin hor leh oo ay doonayaan in lagu daro sharcigan maraya marxaladihii ugu dambeeyey.
Gunta dooda Xildhibaannada Baarlamaanku waxey quseysay qodobbo dhowr ah oo kala ahaa sameynta hay’adda ama guddiga isgaarsiinta Qaranka, awoodaha guddiga ama hay’adda, in sharcigan laga talagelin shirkadaha isgaarsiinta ee hada jirta oo dalkan maalgelin ku sameeyey, in sidoo kale shirkadaha xubno ku yeeshaan guddiga ama hay’adda iyo in sharcigan lagu cadeeyo xuquuqda shaqaaleysiinta ee ay Haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.




From the comments