Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan waxa ay ku leeyihiin Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka uu yahay mid maanta warbixin looga dhageysanayo guddiga Difaaca Baarlamaanka.
Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in guddiga ay ka warbixin doonaan waxqabadkooda, lagana dhageysan doonno arrimo aad u muhiim ah.
Waxyaabaha laga dhageysan doono waxaa ka mid ah kulamadii ay la yeesheen saraakiisha AMISOM iyo dhibaatooyin ay ciidamada AMISOM u geysteen dad shacab ah.




From the comments