Xilli Salaadda lagu jiro ayuu wish-ka ku soo dul dhacay dad ku Tukanayey Xamarka Meka, ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen.
Xaramka waa Masjidka ugu weyn Dunida, waxaana hadda lagu jiraa xilligii Xajka, ku dhawaas 3 Milyan ayaa ku sugan Masjidkan oo ku yaallo magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga.
Suleyman Bun Cabdulahi oo ah hogaamiyaha kooxaha Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegay in Wiishka uu ku soo dhacay sababo la xiriira Dabetlo iyo Roobab socday, isagoo intaa ku daray in Xawaaraha Dabeesha ay gaartay 83 KM Saacaddii.




From the comments