Dowladda Kenya ayaa biloowdey hawlgal ay ku sifeyneyso keyd lagu magacaabo Boni oo ku taala dalkaasi halkaasi oo la sheegey in ay ku dhuumaaleeysanayaan dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo falal amni daro ka geysta dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Kenya.
Wasiirka amniga gudaha Kenya Joseph Nkaisserry (Joosef Keysaari) ayaa sheegey in hawlgalka lagu bartilmaameedsanayo illaa 13 tuulo oo ku kala yaala bariga degmada Lamu iyo degada ay Soomaalida degto ee Gaarisa, waxaana ka mid ah Holugho, Galmagala, Sangilu, Ijara, Bodhei, Milimani, Baurre, Basuba, Mangai, Malalani, Kiunga, Ishakani and Dar-es-Salaam Bord.
Dhamaan deegaanadani hawlgalka laga fulinayo waxaa qabanaya sharci gaar ah oo dhawaan kusoo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda Kenya ee tirsigiisu ahaa 93 ee 2-da bisha September 2015.




From the comments