Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeybgalay caleema saarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam ayaa sheegay in hadda ay aad u yartahay waxa laga tabanayo maamulkaasi.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in Madaxweynaha Jubbaland uu si cad u sheegay in wada hadalka uu furan yahay, islamarkaana cid walba oo wax tabanaysa la qancinayo.
“Madaxweynaha Jubbaland waxaa hadalkiisa ku jirtay wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland wey billaabatay, shirkii Addis Ababa ayeey ku billaabatay, weyna socon doontaa, buuqa halkaan kama jiro ee Idaacadaha Xamar iyo dad halkaasi jooga qaarkood ayuu ku egyahay, tabashada hadda jirta wey yar tahay, tan Jubbaland waa la buun buuniyay oo kaliya”




From the comments