Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullahi Jamac ayaa Goobjoog News uga waramay shir maanta Muqdisho ka dhacay oo looga hadlay Maamul u sameynta Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in horay halkaas looga sameeyay Maamullo kala duwan sida Maakhir iyo Khaatumo oo midba oo gobol joogo, maanta ay tahay xiliigii ay isu iman lahaayeen.
Xildhibaan Cabdiwaaxid waxaa uu soo qaatay in iyadoo laga ambo-qaadayo heshiiska Soomalaida ee ah in 2 gobol iyo wixii ka badan ay Maamul sameysan karaan ay ku heshiiyeen in labada Maamul ee Maakhir iyo Kaatumo isu geeyaan oo shir loo qabto bulshada labada dhinac si ay uga soo baxdo maamul ay ku mideysan yihiin.




From the comments