Madaxda in ka badan 50 dal oo Afrikaan ah iyo dalka Hindiya ayaa waxaa uu shir labo maalmood ah uga furmayaa maanta oo khamiis ah caasimadda Hindiya ee New Delhi, waa kulankii ugu Ballaarnaa ee ka dhaca Hindiya tan iyo shirkii 1983dii ee dowladaha loo yaqaano Non-Aligned Movement (NAM) ay halkaa ku kulmeen, xiligaas waxaa dalka yimid 91 Madaxweyne uu ku jiro Fidel Castro.
Madaxda maanta jooga Hindiya waxaa ka mid ah hogaamiyaasha 4 dhinac ee qaaradda sida: Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah el-Sisi oo Waqooyiga Qaaradda ah, Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari Galbeedka, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo Bariga ah iyo Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisa horkacyo Koofurta Qaaradda Afrika.
Qaaradda Afrika waxaa ay Toban Jibaar ka weyn tahay dalka Hindiya lakin Hindiya tiro ahaan dadkiisa waa ay ka badan yihiin dhamaan dadka ku nool qaaradda Afrika , waa markii ugu horeysay ee Hindiya ay hal qol ku soo xirato Madaxda in ka badan 50 dal oo Afrikaan ah, iyadoo u sheegi doonta dhamaan Siyaasadaheeda dhaw iyo kuwa fog ee ay ka leedahay Qaaradda Afrika.




From the comments