Waxaa maanta dalka Turkiga ka dhacaya doorasho Baarlamaani ah, Waa middii Labaad muddo 5 bil ah, doorashadan ayaa timid kadib markii Xisbiga Talada haya ee The Justice and Development Party ama AK uu ku guuldeystay in uu Aqlabiyad ka helo doorashadii bishii June.
Doorashadaas kadib, waxaa lagu Guuldareystay dhamaan dadaalladii ku aadanaa in la dhiso xukuumad wagaad ah kadib markii ay sidaa dideen asxaabrii kale.
Turkiga waxaa dhibaato xagga amniga ah ku haya Kurdiyiinta iyo Kooxada Mayalka adag e Daacish, Lakin Erdugan waxaa uu sheegay in amniga wax badan ka qaban doono haddii xisbigiisa ku guuleysto.




From the comments