Guddiga Arrimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay talo ah in magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug loo sameeyo maamul ka madax banaan maamullada Puntland iyo Galmudug State.
Gudoomiye ku xigeenka guddigaasi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xalka ugu haboon ee Gaalkacyo ay u arkaan in si Kumeel gaar ah maamul loogu sameeyo illaa shacabka ay uga codeeyaan maamulka ay u baahan yihiin.
“Waxaa muhiim ah in la keeno xal cusub oo sidaan ka duwan, in mid la raaciyo Labada maamul Gobaleed Gaalkacyo, ama in Labada maamul laga madax banaaneeyo oo loo sameeyo maamul ay dadka soo doortaan, oo a waafajinayo sharciga oo beelaha dhan u wada dhan yihiin, ayna noqdaan kuwo ka caagan faragelinta Labada maamul ilaa uu imaanayo xal ah doorasho dadka ay dhiibtaan oo ay ku dooranayaan maamulka ay raacayaan” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments