Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in waxgaradka ku dhaqan gobalka Hiiraan ay si buuxdo u taageereen una aqbaleen wareegtadii dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku magacaabay caasimadda maamulka loo sameynayo gobalka Shabellaha Dhexe iyo sidoo kale halka lagu qabanayo shirka maamulkaan lagu dhisi doono.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in kulamo ay waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan la yeesheen madaxweynaha ay taageereen wareegtadii madaxweynaha, kadib wada hadallo maalmo badan qaatay.
“Reer Hiiraan waxay si buuxdo u taageereen wareegtadii madaxweynaha ee dhawaan uu kasoo saaray maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo halka caasimadda u noqoneyso maamulkaasi, caasimadda Hiiraan maadaama la siiyay shirkana halka lagu qabanayo waa in Sh/dhexe noqotaa, hadde madaxweynahane waa loo tartami doonaa” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments