Xildhibaan Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shir dhawaan ka furmay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kaasi oo la sheegay in maamul lagu soo dhisayo gobalka Bakool.
Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dadka deegaanka ay qabsadeen, islamarkaana ay doonayaan in aayahooda ay ka tashadaan.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Shuuriye in tani ay ka dambeysay kadib markii dadku ku qanci waayeen shaqada maamulka Koonfur galbeed, ayna doonayaan inay dhistaan maamul ay ku qanacsan yihiin.




From the comments