Kulanka 24-aad, Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka waxaa shir guddoominayey Jawaari, waxaana ajendayaashiisa ka mid ahaa u codeynta xeerka Saxaafadda, warbixinta xisaab xirka kharashaadka 2014-ka iyo qeybinta ka mid noqoshada hay’adda islaamka iyo horumarinta(ICD).
Xildhibaanada ayaa maanta u codeeyay xeerka Saxaafadda, kulanka waxaa joogay 142 xildhibaan, xeerka waxaa ogolaaday 139 Xildhibaan halka ay ka aamuseen ilaa 3 Xildhibaan.
Waxaa kaloo maanta laga dooday xisaab xirka kharashaadka 2014-ka, waxaa madasha joogay xisaabiyaha guud ee qaranka Siraaj iyo Hanti-dhowraha qaranka Nur Faarax Jimcaale, ninka hore ayaa sheegay in wax laga weydiin karo oo keliya qarashka soo galay Khasnadda dowladda.




From the comments