Maxamed Iidle Geedi oo Goobjoog News u waramay ayaa sheegay in wufuudda shirka Kismaayo ay bilaabeen in ay iska kala tagaan, shirkana uu qarka u saaran yahay in uu burburo
Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah Xildhibaanada ku sugan Kismaayo ayaa intaa ku daray in ceeb tahay in Soomaalida heshiin weyso oo beesha caalamka ay soo kala dhexgasho.
Xildhibaa Iidle waxaa uu ku dhaleeceeyay in madaxda Soomaalida oo boorsooyinkii qaatay oo go’aansaday in ay iska kala tagaan uu yimid safiirka Imaaraadka oo ka socda beesha caalamka




From the comments