Kulan ay sabtidii isugu yimaadeen Baarlmanka Puntland ayey kaga hadleen arrimo la xiriira qaabka doorashada lagu wado sanadkan gudihiisa iney ka dhacdo Soomaaliya, Taas oo horey ay go’aan uga soo saartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Beesha Caalamkuna ku ayiday, go’aankaas oo ay horey uga biyo diiday Puntland kana soo horjeesatay in Dalka lagu sii wado Nidaamka 4.5.
Fadhigan ayaa waxaa joogay Dhammaan xubnaha mudaneyaasha Baarlmanka Puntland,waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Axmed Cali Xaashi iyo gudiga joogtada ah ee Baarlamanka.
Kulankan oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa haddana warar ay heleyso Goobjoog News sheegaya in Fadhiga xildhibaanada looga hadlay arrinkii ay la hortagi la’haayeen Beesha caalamka oo ku waajahan Puntland dhawaan, iyadoo la filayo iney sii adkeeyaan go’aankii ay ku gaareen in doorashada Soomaaliya ay u dhacdo qaab deegaan ah 28 January.




From the comments