Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha barakacayaasha Dr Walter Kaelin.
Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kulanka ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa ku xigeenka ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya Peter de Clerc iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay dadka barakacayaasha ah ee ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu dilootay.




From the comments