Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7aad kulankisii 35 aad, kulanka ayaa ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Guddoome ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar.
Ajandaha shirka maanta baarlamaanka hor yaallay waxaa ka mid ahaa Ansixinta Hindise sharciyeedka Maareynta Masiibooyinka oo muddo dheer Baarlamaanka looga fadhiyay iney ansixiyaan, laakiin ugu dambeyn ay maanta u suuro gashay iney meelmariyaan, guud ahaan xubnaha Baarlamaanka ee codbixinta ka qeybgalay ayaa gaarayey 140 xildhibaan, waxaa sharciga meelmarisay oo ogolaatay 126 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, iyadoo 6 kalena ay ka aamuseen.
Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee “SODMA” ayaa waxaa la aas-aasay August 03, 2011, kadib markii ay dhacday abaartii ku dhufatay Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Dalka.




From the comments