Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa 15 Febraayo ku dhawaaqay xubnaha Guddiga doorashooyinka maamulka ee uu xaqa u siinayay dastuurka Puntland magacaabistooda, guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa afarta xubnood laga sugayey golaha baarlamanka Puntland.
Hadadba warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi 16 Feraayo, ayaa lagu magacaabay afartii xubnood ee harsaneyd lagana sugayay iney soo magacaabaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Shire ayaa sheegay in dhawaan Sagaalka xubnood ee Guddiga doorashooyinka ay mari doonaan golaha wakiilada si loo ansixiyo.




From the comments