Kulan looga arrinsanayay howlaha dib u eegista dastuurka qaranka iyo kaalinta maamul goboleedyada dalka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa isugu yimid Guuddoomiyayaasha baarlaamaanada maamulada dalka oo ay la socdaan min Afar xildhibaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo waliba guddiga dib u eegista dastuurka.
Kulankana waxaan soo xaadirin islamarkaana ka maqnaa, guddomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdigii laga casuumay Puntland oo u maqan sababo lagu sheegay wadatashi guud oo Puntland ka socda, isla markaana ay u suuro gali weyday inuu ka baaqsado, waana sida guddoomiye Jawaari uu ka hor sheegay kulankii dib u eegista dastuurka ee Isniintii lagu qabtay xarunta baarlamaanka federaalka.




From the comments