Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho taas oo ahayd munaasabad lagu xusayay 28 guuradii ka soo wareegtay dhismaha Jamciyadda Dadka aragga la’ ee Soomaaliyeed.
Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay maamulaha mac-hadka indhoolayaasha ee Al-Nuur C/fataax Max’ed Daahir oo ka hadlay sida kaliya ee lagu ilaalin karo xuquuqda dadka Indhoolayaasha ah, waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed la wacyi galiyo si buuxda, waxa kale oo uu xusay in dowladda looga baahan yahay in ay daryeesho dadka naafada ah guud ahaan, gaar ahaanna dadka indhoolayaasha, dowaladduna u diyaariso Bajadkii dhaqaale iyo qaabkii loo howl galin lahaa, waxa kaluu sheegay in loo sameeyo tababarro gaar ah oo ku aadan noloshooda loona sahli lahaa noloshooda, waana in dowladdu arrinkaa u istaagto oo ay siiso daryeel bulsho.
Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga dhaqan galinta iyo dib u eegista dastuurka baarlamanka Federaalka Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliyeed xil ka saaran tahay dadka naafada ah iyo indhoolayaasha gaar ahaan, shacabkana uu xil ka saaran yahay, xilna waxa uu ka saaran yahay ayay tiri baarlamaanka Soomaaliyeed si gaar ah, guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurkana xil gooni ah ayaa ka saaran, waxay xustay in ay dadka naafada ah xaq u leeyihiin in kooto laga siiyo baarlamaanka dalka iyadoo loo sameynayo shuruuc gooni ah oo lagu cadeynayo xaqooda.




From the comments