Waxaa in muddo ah socday dedaallo lagu doonayey in wax looga qabto khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dhinacyada ka soo horjeeda ee ka tirsan mucaaradka maamulka ee ka soo jeeda gobolka Gedo.
Haddaba waxaa maanta magaalada Muqdisho shir saxaafadeed ku qabtay xubno isugu jira Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo oo mucaarad ku ah maamulka Jubbaland oo ku baaqay in la dedejiyo wada xaajood la isugu yimaado magaalada Kismaayo, waxaa kale oo ay gaashaanka u daruureen arrin ay ku tilmaameen in Axmed Madoobe uu ka wado magaalada Kismaayo, oo uu ku sheegay in shir dib u heshiisiin ah ka furay magaalada Kismaayo una furay Mucaaradka ka soo jeeda gobolka Gedo, taas oo ay yiraahdeen waxa uu uga golleeyahay in uu ku khaldo ra’yul-caamka.
Xildhibaan Maxamed Cali Magan oo si gaar ah ay u wareysatay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in wadahadal iyo heshiis uu yahay waddada ugu habboon ee lagu gaari karo, in la helo maamul ay dadka gobolladda Jubba u wada leeyihiin, ayna wada daafacdaan; kaas oo gaarsiin karaya nabad iyo horumar ay u baahan yihiin dadka Jubbaland.




From the comments