Waxaa maanta ka furmaya dalka Masar shirkii 1-aad ee madaxda baarlamaanada Carabta, iyadoo ay ka qeyb galayaan 17 guddoomiye baarlamaan, iyo in ka badan 50 xubnood oo ka mid ah baarlamaanada carabta, waana shirkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo ka dhaca dalalka Carabta.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay baarlamaanka Carabta oo kaashanaya xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta iyo midowga baarlamaanada carabta, iyadoo halku dhaggu yahay ” Aragtida baarlamaanka ee sida loo waajahayo dhibaatooyinka cusub ee Carab hor yaalla”, waxaana looga doodayaa sida loo ilaalin lahaa midnimada iyo isku duubnida Carbeed.
Aragtida baarlamaanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaallo lagu raadinayo fikir mideysan oo dhinac kasta leh , Siyaasadda, sharci dejinta, ammaanka, garsoorka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo warbaahinta.




From the comments