Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta oo Arbaco ah hortagay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo halkaasi su’aallo lagu weydiinayo.
Kulanka ayaa ah mid albaabada u xiran yahay, waxaana dibad joog ka ah saxaafadda, kadib markii xildhibaannada ay cod u qaadeen in saxaafadda dibad joog laga dhigo iyo in kale.
Kulankan Ra’isul wasaaraha loogu yeeray ayaa ka dhashay kullan saacado badan qaatay oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kaa oo shalay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, waxaana ay isla garteen in ay u yeeraan Ra’iisul wasaaraha.




From the comments