Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo Maanta La Soo Xirayo

Xubnaha xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uga furmay xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho kulankii ugu dambeeyay ee kalfadhiga 7aad, iyadoo la filayo in xubnaha baarlamaanka uu kala soo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa xubnaha baarlamaanka horyaalla labo ajande oo mid ka mid ah uu yahay xiritaanka kalfadhiga 7aad, iyadoo lagu wado in xubnaha baarlamaanku ay galaan fasax kooban oo muddo bil ah ku siman.
Baarlamaanka ayaa waxaa u harsan muddo kooban oo dhowr bilood ah, waxaana horyaalla sharciyo farabadan oo la doonayo iney ansixiyaan muddo kooban gudaheed, iyadoo ay tahay in bisha Agosto dalku yeesho baarlamaan cusub oo isna soo dooran doona madaxda sarsare ee dalka.
Goobjoog News