Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay guddoonka Baarlamaanka Puntaland Axmed Cali Xaashi iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Axmed Cilmi Cismaan ayaa Khamiistii gaaray deegaanka Bixin ee ku yaalla duleedka magaalada Garoowe .
Socdaalka wafdiga ayaa salka ku hayay kormeer iyo indha indheyn lagu sameynayay wixii ka fulay go’aan ay Puntland ka qaadatay Bixin oo ahaa inaan la deegaameyn Karin isla markaana uu yahay dhul daaqsimeed, dadka u dhexeeya.
Bixin ayaa dad shacab ah la siiyay si ay u deegaameeyaan una dhistaan, laakiin taa waxaa ka biyo diiday dadkii deegaanka oo ay u cuntami weyday maadaama u ahaa dhul daaqsimeed muhiim u ah noloshooda, waxaana arrinkaa ka dhashay colaad iyo xiisad aad u daran.




From the comments