Guddiga dabagalka iyo U kuurgelidda xabsiyada dalka ee ka tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa ka warbixiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku soo arkeen maxaabiista ku xiran xabsiyada Muqdisho, waxayna sheegeen habka ay baaristoodu u socoto.
Guddiga ayaa ka kooban afar guddi oo Baaralmaanka Federaalka ah, Guddiga xuquuqul-insaanka, guddiga Anshaxa, guddiga Amniga, iyo guddiga Cadaaladda, Afartan guddi ayaa loogu talagalay iney kormeer ku sameeyaan xabsiyada dalka oo laga soo sheegayay dhibaato farabadan iyo eedo badan , sidaa owgeed guddigan loo magacaabay degreeto madaxweyne oo uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kusime madaxweyne ahaa 4 Maarso 2016.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo ka tirsan guddiga ayaa wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News kana war bixiyay xaaladda dadka xabsiyada ku jira iyo wixii ay kusoo arkeen illaa iyo hadda, waxa uu yiri; ” Howsha waan gudo galney , wey bilaabatay CID iyo laanta xisbiga ee Nabad Sugiddu gacanta ku hayso labadaba waa la soo maray, welina wey socotaa baaristu, arrintu hadda meel fiican ayey mareysaa, waxaa la yiri laba kala bariday kala war la’ waxaa laga yaabaa sida wax loo tuhmayo inaan wax u jirin, haddey wax jiraan kolley waa wax aan soo bandhigi doonno”.




From the comments