Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay maanta kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.
Khudbad uu ka jeediyey furintaanka shirka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu furan yahay kulan howleedkii 8aad ee lagu diyaarinayo qorshayaasha ama howlaha la doonayo in Baarlamaanka uu qabto Kalfahdiga 8aad ee dhowaan furmi doona hadii uu Alle idmo waxaana uu Guddoomiye Jawaari uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey Howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kalfadhiga 8aad uu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.





From the comments