Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Da’uud Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo si gaar ah ugu warramay Goobjoog News ayaa sheegay in la kala qaado caasimadda iyo Madaxweynaha, isagoo sheegay in ra’yigaas Jubbaland ay la qabto.
Xildhibaanka oo ka qeybgalay dood ku saabsan maqaamka Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay idaacadda Goobjoog, ayaa waxa uu hadalakiisa ku bilaabay, “Soomaaliya waxay u gudubtay maamul goboleedyo iyo awood qeybsi iyadoo dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaamisay 4.5 oo horey caqabad ugu ahaa, waxaan dhihi lahaa maqaamka in la kala qaado awoodaha Caasimadda iyo Madaxaweynaha, oo qabiilna la siiyo Madaxweynaha mid kalena qaato Caasimadda”.
“Caasimadda iyo madaxweynaha waa Laba awoodood oo aad u weyn, waxaad moodaa in dadkii magaalada degenaa ay u wareegeen Gobolada, waxaan dareemayaa in caasimadda iyo madaxweynuhu aanay is raaci karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




From the comments