Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka furintaanka kalfadhiga 8aad kulankiisa koowaad ee gaarka ah, ayaa ka hadlay qorshaha baarlamaanka bilaha u harsan, isagoo kusoo koobay labo qodob oo muhiim ah.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn amaan u soo jeediyay xubnaha baarlamaanka, waxa uu xasuusiyay socdaalkii dheeraa ee ay u soo galeen iney dalka ka gudbiyaan xaaladdii uu ku sugnaa 2012, madasha baarlmaanka xiga ku xil wareejiyaan xaalad siyaasadeed, waxaanuu kula dardaarmay in ay casharro ka qaataan burburka ku yimid baarlamaanadii iyo xukuumadihii dalka soo maray tan iyo 2004-tii, siiba markii marxaladaha kala guurka la galo.
Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri; “hafrid igama aha waa iga dhab haddaan iraahdo xubnaha baarlamaanka waa naftood hurayaal, waxa uu xasuustay 15 xubnood oo baaralmaanka 9aad laga dilay iyo 7 howlwadeen iyo tiro aan yareyn oo ka tirsan ciidanka Aminga Golaha Umadda”.




From the comments