Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u sheegay xubnaha Baarlamaanka ineysan jiri doonin safarro dibadda ah, maanta wixii ka dambeeyana aaney aqoonsaneyn wax fasax ah, mudanihii iman waayana tallaabo tii hore ka duwan ay ka qaadi doonaan.
Afhayeenka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamad sheikh Cismaan jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay kalfadhi ay maanta baarlamaanku ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaanuu yiri:
“Waxaan rabaa inaan xildhibaanada u sheego in guddoonku uu joojiyay dhamaan safarada dibadda ay u aadi jireen xildhibaanada, ha ahaadaan kuwa baarlamaanada aan xubinta ka nahay iyo dhamaan waxyaabaha kale, safar aan la xiriirin arrimaha kan na horyaalla safar aan ahayn oo kale waan joojinnay, yaaan la iigu imaanin baarlamaan heblow ayaan ku jirnaa, xaggaan u soconnaa, lacagna uma hayno ay ku safraan, markaa arrimahan ayaan u jeesaneynaa, waxaan rabaa dhammaan xildhibaanada dibadda jira oo dhan iney soo wada galaan, wax fasax ah oo aan aqoon sannahay ma jirto laga bilaabo maanta, xildhibaanka iman waaya tallaabo tii hore ka duwan ayaan ka qaadneynaa”.




From the comments