Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa go’aan waxtar leh ku tilmaamay go’aankii dhowaan ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ee ahaa in xildhibaannadu inta lagu guda jiro howlaha shaqo aysan bixi karin.
Xildhibaan Axmed Cabdulle Mayow (Cornel Ruush) ahna xubin ka tirsan guddigga daba galka iyo dhaqan galinta Dastuurka ayaa go’aan wax tar u leh dastuurka ku tilmaamay go’aankii gudoonka Baarlamaaka Soomaaliya uu ku joojiyay safarada xildhibaannada baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xillibaanada oo aan safar aadin ay horu u socod siineyso fadhiyada baarlamaanka waqtiga kooban ee u haray.




From the comments