Isticmaalka Lacagta Taleefannada Oo God Sii Gelinaysa Shilin Soomaaliga

Arrimo badan ayaa keeni kara hoos u dhaca ku yimaada qiime-dhaca lacageed ee waddan leeyahay, waxana ka mid ah:
Yaraanta wax-soosaarka waddank ayaa keenta liidashada dalbashada lacagta waddankaasi; marka loo eego waddamada ay kala ganacsadaan.
Sidoo kale Waddamada soo-koraya ayaa waxa ka qayb qaata qiime-dhaca lacagtooda, isticmaalka lacagaha qalaad ee waddanka gudihiisa.
Isticmaalka Soomaalida ee adeegga lacagta lagu qaato telefoonka ee loo yaqaan Mobile Money ayaa sii luminaya lacagta Shillinka Soomaaliga oo wixii ka dambeeyay burburki dalka sii yaaranayay.
Shacabka ayaa dhibaato weyn ku qaba qaarkood sarifka Noodka Kunka Shillin oo noqday lacagta kaliya ee haatan la isticmaalo.
Lacagta ugu badan ee dadku ay haystaan ayaa noqatay lacagta dollarka iyo lacagta kale ee hawda ah ee lagu istcimaalo mopileka oo ay fududeyeen shirkadaha waddanka kajira .
DR:Axmed Diriye Ciyaw waxa uu bartay cilmiga dhaqalaha sababaha keenay in isticmaalka shillinka Soomaaliga uu yaraado ayuu ku shegayaa in Dowladda ay ka gaabisay inay waddanka lacag u daabacdo.
“Waxaan kuu sheegayaa Dowladda ayaa laga rabay inay qaadato kaalinteeda oo ay daabacdo lacag gaar ahaan baanka dhexe mana jirto awooddaas hadda balse waddanka lacagi uma harin dadkana uma noqonayso lacag midda hawada runtii dowladda way ka gaabisay arrintaas”
Guddiga maaliyadda barlamaanka Soomaaliya ayaa Goobjoog News u sheegay inay jiraan caqabado badan oo dowladda ka haysta inay samayso lacag cusub taasi oo meesha ka saari lahayd inay suusho lacagta shillinka Soomaaliga.
Xoghaya guddiga maaliyadda Barlamaanka Soomaliya xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali ayaan arrintan weydiinay waxaana uu ka hadlay caqabadahaasi.
“Waddanka maadaama uu bur buray way adagtahay in lacag mideysan waddankan loo sameeyo taasi oo ka shaqaysa gobollada dalka mana aha mid fudud lacagta waddanka saan ognahay way yaraatay laakiin dowladda waxay ku mashquulsan tahay sidii lacag nidaamsan loo heli lahaa”
Inta badan dadka ayaa wax ku iibsada lacagta mopileka lagu qaato xitaa gaadiadka ayaa lagu raacaa waxaana inta badan jira caqabado ka jira maadaama lacagtaas ay tahay mid jaan go’an oo aanan lahayn sarif .
Cabdikariim Faarax Jaamac waa wade gaadiidka nuuca bajajta waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay u saameysay shillinka sii yaraanaya.
“Waxaa laga yaabaa maalinkii inan arag lacagta shillinka Soomaaliga dadwaynaha aan qadayo waxay inta badan I siiyaan lacagta mopileka laga tuuro taasi oo anaga iyo ayagaba mar marka qaar aan dan ugu jirin “
Mar kale xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in lacagta kunka Shilinka Soomaaliga ay tahay lacagta waddanka u hartay mararka qaarna ay jiraan lacago been abuur ah oo waddanka lagu daabaco dhalin kartana sicir barar sida horay loo arkay.
Xoghayaha guddiga maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali waxa sidoo kale uu ka hadlay lacagta hawada ah ee loo yaqaan Mobile Money adduunkana laga isticmaalo kaalinta ay ku leedahay dabar go’a lacagta shillinka Soomaaliga .
“Waa sax sidaan ognahay waddanka hadda waxaa la isticmaalaa Mobile Money lacagta hawada ah haddii aysan jiri lahayn wax la isticmaalo ma jiri lahayn runtii waxaan isleeyahay kaalin wanaagsan ayey ku leedahay dhanka isticmaalka marna waxa ay dadka ku hilmami karaan lacagta waddanka maadaama hadda aynu hayno kaliya kunka shillinka Soomaaliga”
Lacagta shillinka Soomaaliga ah waxay markeeda hore ka koobnayd warqado iyo birar. Lacagta ugu yar na waxay ahayd 5senti, Maanta Soomaaliya lacagta ugu yar waa 1000 shillin Sidii ay u dhacday dowladdii dhexe,
Bangiga dhexe ee Soomaaliya ma soo saarin lacag cusub, sidaas darteed ayaa lacagtii tartiib tartiib uga dhamaatay dalka Lacagtii ugu dambeysay oo Soomaaliya ka dhacdo waxay ahayd 500 oo Soomaaliya oo dhan ka dhamaatay sanadihii 2000.
Lacagta shillinka Soomaaliga ah bangiga dhexe wuxuu soo saaray taariikhda markii ay ahayd 1962dii Markii hore waxaa la isticmaali jiray lacagta talyaaniga.
W/Q:- C/wahaab Maxamed Ibraahim
Tifaftairay: Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News