Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoorre oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur galbeed oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in maamulkoodu uu dhisayo buunada degaanka Tixsiile oo ka mid ah degaanada hoos taga degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.
Xildhibaan Mahad ayaa u sheegay iney soo qiimeeyeen dhismaha buundadaa Tixsiile oo muddooyinkii dambe burbur xooggani uu ka muuqday saameyna ku yeelatay isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidkaba gobolada koonfurta Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in lacag fara badan ay ku baxayso, sida ay ku qiimeeyeen Injineerada maamulka Koonfur Galbeed u xilsaaray howsha dayactirka dhismaha Buundada.
“Sida uu ingineerku noo sheegay waxaa lagu dhisayaa lacag gaaraysa illaa 130,000 oo dollar gobolada Koonfureed oo dhan ayay wadadani halbowle u ahayd, wayna go’day, meeshaas dhib aad u weyn ayaa gaaray, gaadiidkii way ka istaageen”.
Xildhibaanka ayaa intaa sii raaciyay in maalinimadii Isniintii xildhbaanno iyo wasiirro ay gaareen buundada, waxay xal u heleen waddo kumeel gaar ah oo ay gawaaridu maraan, iyadoo markasta oo uu roob yimaaddo khatar ugu jirtay iney burburto.




From the comments