Kala Korinta Ubadka Oo Aragti Kala Duwan Laga Dhiibtay

Kala dheereynta carruurta waxa ay faa’iido u leedahay hooyada Iyo dhalaankeeda waa haddii ay waaliddiinta Soomaalida ay Ku dadaalaan caafimaadka carruurtooda iyo midda hooyada
Sida caadada ah marka la joogo Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyooyin da’ ahaan Aad u yar oo wada carruur badan iyada oo mararka qaar ay ku Jahwareerto sida ay Carruurteeda ugu kala garsoori lahayd xagga waxbarashada iyo mid koolkoolinba .
Hooyada ayaanana helin nasiino iyo caafimaad buuxa marka ay dhasho waxaana suuragal ah in ay iyada oo cunugga uu gaarin hal sano ay mid kale dhasho waxaana meesha ka baxaya daryeelkii cunugga iyada uu la qeybsanaayo kii uu ka weynaa 9 bil taasina waa dhibaato oo carruurta iyo hooyada ay dhib ku noqoneyso in ay kala koriso.
Qaar ka mid ah dumarka ayaa hadda billaabay isticmaalka daawooyin lagu tilmaamay in ayan hooyada uur qaadeyn ilaa sanad ama laba sano .
Qaar ka mid ah dadka Muqdisho ayaan weydiiyay sida ay u arkaan in ilmaha la kala koriyo.
“Kala dheereynta ilmaha waa Faa’iido laakiin dhaqanka Soomaalida ayaa ah in ay owlaadda badsadaan waana wax fiican . waalidiinta waxa ay la dhibtoodaan kala korinda ilmaha waxaana mararka qaar dhacda in owlaadda ay waalidiintu u xaqsoorin xagga waxbarashada waxaana muhiim ah in aabaha uu nasiino fiican siiyo hooyada si ay jaanis ay ilmaha u kala koriso “ sidaa waxaa qaba Maxamed Xasan oo ka mid ah dadka Muqdish .
Waa caa’isho Macallin Xasan Caddaan oo ka mid ah dumarka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxa aan weediiyay sida ay u aragto in haweenka ay isticmaalaan daawo si ay ilmaha u kala koriyaan.
“Anniga ahaan waxaan aaminsanahay in ay qalad tahay in la isticmaalo kaniini ama cirbad si ay hooyada uur u qaadin taas bedelkeeda waxaa muhiim ah in hooyada uu Cunigeeda ay maalintii nuujiso 10 mar iyo wax ka badan taas ayaa sababi karta in hooyada ayan uur qaadin waana wax wanaagsan in ilamaha la kala dheereeyo”
Cabdulaahi Aadan Axmed siyaad oo ka mid ah waalidiinta Muqdisho ku nool ayaa sheegaya in kala korinta Ilmaha ay u wanaagsan tahay Carruurta faa’iido badanna u leedahay dhalaanka Xagga Koriimada jirka iyo fahamka Xagga waxbarashada .
“Waxaan ka mid ahay aabayaasha aanan aaminsaneyn in la isticmaalo daawooyin ilmaha kala fogeeya laakiin waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in ilmaha ay kala weynaadaan hal sano amo labo sano sida ay sheegeyso diinteena islaamka cunugg a waa in ay hooyada nuujiso labo sano si cunugga uu taam u noqdo xagga fahamka iyo koriimada Jirka wax walba waa qadar laakin dadaal waa muhiim”
Isticmaalka daawooyinka kala fogeeya ilmaha ayaa ah kuwa laga dhaxlo dhibaatooyin badan oo xagga caafimaadka ah haddii uusan dhaqtar u qorin waxaa isticmaali kara haweenka lagu soo qalo dhalaanka sida ay sheegayaan culimada caafimaadka
Haddana sidaa oo ay tahay waxa haweenka ayaanan ku baraarugsaneyn dhibaatada ay kala kulmi karaan isticmaaalka daawooyinkaas.
Ibraahim Maxamed Nuur madaxa xogta caafimaadka wasaaradda caafimaadka xukumada Soomaaliya ayaa Goobjoog FM weediisay waxa ay wasaarad ahaan ay kala socoto daawooyinka loo Adeegsato kala dheereynta ilmaha ee ay Haweenku isticmaalaan.
“Waxaa xaqiiq ah in ayan jirin faham buuxda waalidiinta ka haysan inay muhiim tahay in ilmaha la kala fogeeyo taas waxa ay keentay in ay hooyada ay ku dhibtooto qaadista uurka taas ayaa u sabab ah in ay hooyada ay u dhimato xiliga umusha”
“Wasaaradda waxa ay ka wacyi gelisaa haweeka in ay muddo u dhaxaysiiyaan carruurta si ay hooyada u hesho nasiino dhalaanka faa’iido ayaa ugu Jirto”.
“Ka wasaarad ahaan ma jirto qof aanan dhaqtar u soo qorin cirbad loo isticmaalo in ay hooyada ayan uur qaadin muddo markii ay marto qaliin ilmaha lagu soo qalo in aanu Siino laakiin ma hubno in suuqyada lagu iibiyo”
Soomaalida ayaa ah dad boqolkiiba boqol muslim ah hadaba diinteena islaamka maxay ka leedahay xaqsiinta carruurta iyo kala korinta owlaadda sida ku cad Aayadaha 33 saddexaad ee suurada Baqara.
W/D:- Ibraahim Xaaji Yuusuf
Tifaftiray:- Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News