Iyadoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay haweenka Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen saamiga 30% dhamaan hay’adaha federaalka ayaa hadda waxaa muuqaneysa xoogaa rajo xumo ah oo soo waajahaysa dumarka kuna saabsan inaaney heli doonin saamigii loo qoondeeyay sanadkan 2016.
Sababta ugu weyne ayaa ah guddiga baarlamaanka federaalka u qaabilsan dhaqan gelinta dastuurka inuu arrintaa awood buuxda u yeelan waayay, sida maanta xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ay ka hor sheegtay haween kala duwan oo ka kala socday gobolada dalka :
“Jidka ugu sahlan ee gabdhaha qoondadooda lagu heli karo hadda saacaddaan la joogo, waa in wasaaradda haweenku ay soo saarto sharci, sharcigaas waa in golaha wasiirada la keeno, waa in sharcigaas ay baarlamaanka u soo gudbiyaan, baarlamaanka angaa ka dhameynayna, inaan iska riyoonno oo kaliya lama rabo waxaa wanaagsan si run ah iney wax u socdaan, dastuurku waa uu simay xaqa ragga iyo dumarka”.




From the comments