Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil: Si Uu u Meelmaro Wax Ka Bedalka Dastuurka Waa In Madaxweynuhu Ogolaadaa

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay iney Soomaaliya ku jirto Gardaadin wadani ah iyo mid Caalami ah, qodobada dastuurka ee dhawaan wax laga bedalayna waxay u baahan yihiin in Madaxweynuhu ogolaado.
Xildhibaanka oo aan ka wareysanay go’aankii dhawaan uu baarlamaanku wax kaga bedelay labada qodob ee Dastuurka ayaa yiri:
“Labada go’aanba waxaan u arkaa go’aamo mudan in la dul istaago, oo hadana qaraarkii munaasabka ahaa laga qaatay”.
“Dastuurku wax laga gudbay ma noqonaayo ee ku meel gaarnimadiisii ayaa sii soconeysa, anigu guddiga dastuurka ayaan ka mid ahay iyo raggii kasoo shaqeynaayay wax ka bedelkiisa, wax ka bedelkayaga haddii xataa uu baarlamaanku ogolaado ama habkii wax ka bedelku uu socdo, labo jeerba waxaa loo baahanayaa illaa afti laga gaaro in dastuurkaas halkii uu ka ahaan lahaa dastuur rasmi ah inuu yahay dastuur Kumeel gaar ah, tii waaye waxa la caddeynaayo”.
“Markii hore go’aanbaa meesha yaalley oranaya dastuur dhameystiran ayaa golaha laga rabaa oo afti loo qaaday tiina daruufaha ayaa ogolaan waayay, in xaalka sidatan loo qiimeeyo lagama maarmaan ayay noqotay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.
Mar aynu wax ka waydiinnay sida ay beesha caalamku uga jawaab celin doonto iyo in loo arki karo muddo kororsi uu baarlamaanku sameeyay, ayuu ku jawaabay:
“Anagu sharciyadeena ayaan ka hadleynaa ee beesha caalamka ka hadli meyno, duruufeehanna wixii munaasib ku ah oo caqli gal ku ah ayaa nalaga rabaa inaan ku dhaqno waddanka, caalamka oo dhan waa sidaas”.
“Dadka cuqdada ka qaba ma ahi maxay beesha caalamku faraha ugula jirtaa arrimaha Soomaaliya, Soomaaliya gardaadin bay ku jirtaa, gardaadin waxay ku jirtaa waddani ah, gardaadin gobolka ah, gardaadin caalami ah, inta geedigaas gardaadinta ah uu socdana in isbedal kasta oo yimaada oo saameyn ku leh duruufta, go’aanka munaasabka ah in la qaato cid wax ka sheegi kartaa majirto”.
Si wax ka bedalka Dastuurku uu meel mar u noqdo, waxaa lagama maarmaan ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaado, kadibna faafinta rasmiga ah ayuu kusoo baxyayaa waxaana sidaa meel mar ku noqonaya mashruuca sharci ee baarlamaanku uu arbacadii meel mariyay.
Goobjoog News