Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya aysan dadaal badan ku bixin hanaanka Doorashada Dalka iyo sidii loo qaban lahaa doorashada Xiligii loogu talagalay.
Wareysi uu siiyay Goobjoog FM ayuu ku sheegay in madaxdu ay mas’uul ka tahay qabsoomidda doorashada sanadkan 2016 ee dowladda cusub.
“Dowladda ayaa laga rabaa inay xil iska saarto sidii doorashadu u dhici lahayd waqtigeeda iyadoo aysan dib u dhac uusan ku imaan” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments