Saddexda xisbi ee Waddani , Kulmiye iyo Ucid ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa waxay ku heshiiyeen in saamiga beel kasta ee Somaliland degta ay ka helayso kuraasta golaha wakiilada uu ahaado xeerkii lagu galay doorashadii hore ee 2005.
Soo jeedintan ayaa u baahan in lagu qanciyo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu doonaya in wax loo qeybsado qaab gobol.
kulan ay saddexdan xisbi ay u qabteen hay’adda Nabadda iyo horumarinta iyo dalladda ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayay kaga doodeen qaabka saamiga ee kuraasta baarlamaanka ay uga dhex muuqanayaan beelaha Somaliland oo lixdii bilood ee la soo dhaafayba ay doodi ka taagnayd, iyadoo beelaha qaar ka cabanayeen in xildhibaanada waqtigan golaha u fadhiyaa ay tiro ahaan ka yar yihiin intay xaqa u lahaayeen.




From the comments