Mooshin Laga Keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay mooshin ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.
Xildhibaannadan ayaa kulankooda kadib waxay saxaafadda u sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi uu ka gaabiyey shaqooyinkii la rabay inay qabteen, islamarkaana ku xadgudbay qodobo Dastuuri ah.
“Waxaa kulan isugu yimid Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed xubno ka mid ah, islamarkaana ajendahooda yahay inay ka wada hadlaan waxa ka dhacaya baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo sababtay in xubno ka mid ah xildhibaannada ay soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed taas oo ay xildhibaannadan u cuskadeen markii uu jabiyey qodob Dastuuri ah, kaasi oo ah qodobka 41-aad islamarkaana sheegayey in baarlamaanka sanadkii uu yeelanayo 2 fadhi oo midkii uu soconayo muddo Afar bil ah sida aan la wada soconno baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa uu dhisnaa 8 bil, mana jirto wax kalfadhi ah oo uu yeeshay, sidoo kale aan la sameyn guddi hoosaadyadii baarlamaanka, markii aan aragnay in shaqadii loo idmaday guddoomiyaha, sidaa darteed waxaan go’aansannay inaan keenno mooshinkaan oo ay nala ogaadaan shacabka ku nool deegaankan Koonfur Galbeed” sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Xasan Mcalin Yuusuf.
Weli arrintan kama aanu hadal guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.
January 3, 2016 C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye waxaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, welina baarlamaankaasi ma aanu yeelan wax kulan ah.
Goobjoog News