Wafdi ka socday baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Suudaan ayaa la kulmay maamulka iyo ardayda jaamacadda caalamiga ah ee Africa.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka mudane Cabdiqadir Cosoble oo ay la socdeen guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Pro.Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaanno kale ayaa maamulka jaacamadda waxay kala hadleen sida ay jaamacadda caalamiga ah ee Afrika ay muhiim ugu tahay ardayda Soomaaliyeed.
Wafdiga ayaa uga warbixiyay guddoonka jaamacadda xaaladda uu dalka Soomaaliyeed marayo iyo horumarka dhanka waxbarashada ee guud ahaan dalka ka jira, waxayna jaamacadda uga mahadceliyeen sida wanaagsan ay soo dhaweynta ugu muujiyeen ardayda Soomaaliyeed. Iyagoo dhanka kalena kulamo la qaatay ardaydii jaamacdda ee Soomaaliyeed, halkaana warbixinno kaga dhageystay.




From the comments